Gorfayn buuggaفضل الكلاب على كثير ممن لبس الثياب

Buuugga waxaa qoray Abuu-bakar Maxamed Ibnu Khalaf Al-Marbasaan Ibnu Al-Maxwali AlBaqdaadi wuxuu ahaa caalim Islaamiya, sidoo kale wuxuu ahaa turjumaan afka faarisiga kutubta kasoo turjuma, ilaa konton kitaab in kabadan buuna afka faarisiga ka soo turjumay, wuxuu kaloo ahaa qoraa curiyay dhiganayaal ay ka mid yihiin isla kitaabkan iyo (الحوى في علوم القرآن )

Wuxuu dhintay sheekhu Aun 309 Hj / 921M

Qoraagu kitaabkan wuxuu ku soo ururinayaa saddex shay uun oo kala ah:

1- Waxa ku kallifay inuu kitaabkan qoro.

2- Eyga iyo waxyaabaha uu aadanaha qaarkood kaga fiican yahay.

3- Wuxuu kusoo gabagabaynayaa shiikhu qisooyin la xidhiidha oofinta Eyga iyo daacadnimadiisa.

Sababta uu kitaabka u qoray shiikhu waxa lagu sheegaa in wakhtigaas ay gobanimadii iyo laab xaadhnidii shiiqmeen yaraadeenna, gunnimadii iyo laba wajiilayntiina ay xadhkaha goosteen, akhlaaqdii dadkana hoos u dhac baahsani ku yimi. Shiikhu wuxuu uu si maldahan (Duur-xula) dadka ugu sheegayaa waxyaabo badan oo uu Eygu kaga gobaysan yahay kagana wanaagsan yahay in ay ka qaataan kagana daydaan. Ujeedku maaha Eygaa aadanaha ka wanaagsan oo taasi maaha maangal, oo Ilaahay ayaaba aadanaha karaameeyay, balse u jeedka shiikhu waxa weeye dadkana u sheegayaa in aanuu Eygu ka wanaag sananaanin oo aanuu ka oofin iyo daacad nimo badan. Wuxuu leeyahay waqtigan aynu joogno waa 1150 sanno ka hor meelahaas, in dadkii noolaa ay xumaadeen, akhlaaqdiina hoos u dhacday, dabeecadahoodiina ay gunnimo ka buuxsantay, wuxuu leeyahay qofka isku daya in safar galo si uu gobanimo usoo helo in uu qofkaasi galayo safar aadame galo ka ugu dheer, yacnii ay adag tahay in gobanimadii la soo helo. 1150 sanno ka hor buu shiikhu lahaa gobanimadii baa god ku sii dhacaysa, akhlaaqdiibaa sii wiiqmaysa. Bal kawarran hadduu maanta godka kasoo bixi lahaa dunidan jaantaa rogan ta ahna uu arki lahaa?

Wuxuu tilmaamayaa odhaah laga soo naqliyay saxaabigii waynaa ee Abuu Dar Al-Qafaari uu ku lahaa:

“كان الناس ورقا لاشوك فيه فصاروا اليوم شوك لا ورق فيه

“Dadku waxay ahaayeen celeen bilaa qodaxa maantase waxay noqdeen qodaxa bilaa caleena” 

Xiligan uu saxaabigani hadalkan lahaa waa goor ay saxaabo badan iyo dadyaw badan oo wanaagsani noolaayeen. 

Bal kawarran maanta xaalkeenna?

Wuxuu gabayo badan ku tilmaamayaa siday gobtii gabaabsi usii tahay, wuxuu leeyahay ‘Way tageen ragii nasab ka ahaa ee lagu soo hiran jiray, oo wax walboo xumaana ka digigixan jiray’ Wuxuu leeyahay ‘way tageen kuwii goortay gacantaada wax soo galaan naruuro iyo farxad la muusoon jiray, kolkaad wax u diidana yagu wax kuu huri jiray’ 

Wuxuu tilmaamayaa sheeko cajiiba walaw aanay xaqiiqo maan-gala ahayn suu qoraaguba sheegayo, wuxuu leeyahay ninbaa Ibliis Ilaahay ha lacnadee arji (waraaq) u qortay oo ugu sheegayo inuu arrin ka leeyahay, Ibliis wuu qaabilay ninkii wuxuuna way diiyay maxaad u baahantahay? Wuxuu yidhi ninkii ‘waxa jira Ibliisaw jaar wanaagsan oo aannu saaxiib nahay, ninkaasi wuu noo roon yahay aniga iyo ehelkaygaba, waxaannu tabayno oo idilna wuu nasiiya, hadaan maqanahay ehelkayguu iigu wehel yeelaa, hadaan baahannahayna wuu na quudiya’ Ibliis oo yaaban baa yidhi “waa si wanaagsane maxaan kuu sameeyaa” Ninkii baa yidhi “waxaan doonayaa inaad nimcada ka qaadid, caydh fara madhanna aad ka dhigtid” Ibliis markuu intaa maqlyay qaylyo kaga wadhay!! 

Wuxuuna isugu yeedhay cifriidyadiisii markay u imaadeen bay waydiiyeen maxaa ku helay mudane? Wuxuu ugu war celiyay “Cid iga shar badan oo Alle wayne abuuray miyaad garanaysaan?

 Waxay ugu war celiyeen “Maya”

Suu ku yidhi “Habaar qabahan hortayda taagan baa iga shar badan” 😁  

Wuxuu kaloo ka faalloonayaa waxyaabo badan oo uu Eygu kaga gobaysan yahay aadamaha qaarkiis. Wuxuu leeyahay laga yaabee Eygu in uu aabaha inankiisa uga fiicnaado! Ay sababtu tahay in badan waa la arkaa wiil waalidkii ku caasiyoobay laakiin lama arkin Ey cidii rabaysatay ku caasiyoobay. Wuxuu leeyahay hadh iyo habeen Eygu wuxuu u taagan yahay ilaaladeenna, adoo hurda, adoo soo jeeda, adoo maqan, adoo jooga intaba wuu ina ilaaliyaa, wuxuu kaloo uu sheegayaa in Eyga hadaad wax siiso iyo haddii aad u diidaba uu kula joogayo, halka aadamaha badankiisu marka maslaxada uu kaaleeyahay uun uu kula joogayo goorta kalena garab kaaga ka baxayo. Wuxuu soo dhambalanayaa xadiis ah in Cumar Ibnu Khadaab arkay nin Ey wata uuna waydiiyay “Muxuu ahaa Eygan kula socdaa”? Wuxuu yidhi ninkii “Wax lala saaxiibo isagaa ugu wanaagsan hadaad wax siisidna wuu ku mahadinayaa, hadaad u diidana wuu sabrayaa”

  “يا أمير المؤمنين نعم الصاحب إن أعطيته شكر وإن منعته صبر “

Cumarna wuxuu yidhi “Wuu mudan yahay in lala saaxiibee ku dhaganaw”

Intaa dabadeed wuxuu inoo sheegayaa odhaah Shacab laga hayay oo ahayd:

 “خير خصلة في الكلب أنه لا ينافق في محبته

Oo ah “Tilmaamta ugu wanaagsan ee Eygu leeyahay waa inaanuu galgacaylkiisa munaafiq ka ahayn” Halka aadane badan anuu arrinkaa ka run sheegin, oo ay qaar badanoo uusan jeclayn u muujiyo kalgacayl iyo muxibo aan jirin.

Lagama gayoon karo mucda iyo macnaha ku duugan kitaab yarahan, wuxuu kusoo qaadanayaa gabagabada buuga qisooyin la hal-maala Eyga iyo daacadnimadiisa, wuxuu leeyahay waxa la sheegaa in nin iyo Eygiis iyo laba nin oo midi walaalkii ahaa ay safar wada galeen, ninku xoola badan buu watay, goortay in cabaar ah jidka sii socdeen ayaa waxaa ku soo baxay niman shufto ah, ninkii bay qabteen xoolihiina ka xabaadheen, labadii nin ee walaalkii ku jiray way ka carareen kaliya waxa kusoo hadhay Eygii, ninkii laba dib-le intay u xidheeen bay meel god ah ku tuureen, ciidna dhakada kaga rogeen, Eygii kamuu tagine halkii buu ciidii fadhay ninkiina isagoo nool madaxii dibada ugu soo saaray, isagoo Eygii dul jooga ayay dad meeshii soo mareen yagoo is leh bal eega Eygani meesha wuxuu ka fadhayo mise waaba qof meesha ku aasan oo madaxdiisii uun soo muuqdo, halkiibaa ninki laga soo saaray, oo uu meeshii ku badbaaday. Waagii dambe ninkii wuu ka warrami jiray isagoo leh “wuxuun baan maqli jiray Eygu isagaa walaalka ka fiican marmarka qaar, balse anigu waaban arkay”.

Wuxuu kaloo soo naqlinayaa qiso ahayd in waa nin boqori uu ugaadhsi u holladay aadistii, isagoo ugaadhsigiisii ku guda jira ayuu is yiri sahaydii uu sitay wax ka cun, kolkuu isyidhi sidaa afka u gali ayaa Eygiisii iska hortaagay inuu cuno, boqorkii wuu yaabay markuu is idhaahdo afka galiba Eygaa kusoo booda, ileen wuxuuba arkayay yadoo mas uu waabaydiisii ku tufayo cuntada, boqorkuna arrinkaa wuu mooganaa oo ma uusan arkayn, kolkii  Eygii arkay inuusan boqorku daynayn cuntada, isagii cunay halkii bayna naftii kaga baxday!! Wuxuu kaloo ka warramayaa Ey dadkii lahaa ciidda hoos mareen, oo siduu xabaashooda u dul taagnaa naftii ka baxday, daacadnimo iyo oofin badni aawadeed. Ka gayoon maynu buuga ee waa 30 bog wax ku dhaw eh isha soo mari Idam Alle. Wuxuu kitaabku guud ahaan ka hadlayaa in tilmaamahaa san ee Eygu leeyahay aynu ka qaadano oo aynu nafteenna ku dabaqno, iyo sidoo kale in gobanimada iyo dun-wanaaga lagu dhaganaado goor walba iyo marxalad kastaba, lagana dido oo laga dheeraado gunnimada, qalbi xumaanta, iyo sidoo kale laba wajiilaynta iyo munaafiqnimada

Waxa si xeel-dheer gorfayn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyay Ustaad Xamse Xabiib.

W/Q: Cabdiraxmaan Xasan 

October, 2022

Share This Article