Gorfayn buugga “فضل الكلاب على كثير ممن لبس الثياب”

Buuugga waxaa qoray Abuu-bakar Maxamed Ibnu Khalaf Al-Marbasaan Ibnu Al-Maxwali AlBaqdaadi oo  ahaa caalim Islaamiya, sidoo kale wuxuu ahaa turjumaan afka faarisiga kutubta kasoo turjuma, ilaa konton kitaab in kabadan buuna afka faarisiga ka soo turjumay, wuxuu kaloo ahaa qoraa curiyay dhiganayaal ay ka mid yihiin isla kitaabkan iyo (الحوى في علوم القرآن )

Wuxuu dhintay sheekhu Aun 309 Hj / 921CD. Qoraagu kitaabkan wuxuu ku soo ururinayaa saddex arrimood  oo kala ah:

  •  Waxa ku kallifay inuu kitaabkan qoro.
  • Eyga iyo waxyaabaha uu aadanaha qaarkood kaga fiican yahay.
  • Wuxuu kusoo gabagabaynayaa shiikhu qisooyin la xidhiidha oofinta Eyga iyo daacadnimadiisa.

Haddaynu ku bilawno ta koobaad ee ah sababta ku dhalisay in  uu qoro dhiganahan waxa lagu sheegaa in wakhtigaas ay gobanimadii iyo laab xaadhnidii shiiqmeen yaraadeenna, dhaqankii wanaaggii bulshadana is dhin wayni ky yimi, caksigeedana gunnimadii iyo naxligii bulshaduna ay xadhkaha goosteen. Shiikhu wuxuu uu si maldahan  dadka ugu sheegayaa waxyaabo badan oo uu Eygu kaga gobaysan yahay kagana wanaagsan yahay in ay ka qaataan kagana daydaan. Isaga oo afeefanaya wuxuu leeyahay ma aha Eygaa aadanaha ka wanaagsan oo taasi maaha maangal, oo Ilaahay ayaaba aadanaha karaameeyay, balse u jeedku waa  in aanuu Eygu kaa wanaag-sananaanin oo aanuu kaa oofin iyo daacad nimo badan. Wuxuu leeyahay waqtigan aynu joogno waa 1150 sanno ka hor e , in dadkii noolaa ay xumaadeen, akhlaaqdiina hoos u dhac baahsani ku yimid, hab dhaqankoodiina ay gunnimo ka buuxsantay, wuxuu leeyahay qofka isku daya in safar galo si uu gobanimo usoo helo in uu qofkaasi galayo safar aadame galo ka ugu dheer, oo ay adag tahay in gobanimadaas baadi-goobka loo galay la soo helo. 1150 sanno ka hor buu shiikhu lahaa gobanimadii baa god ku sii dhacaysa, akhlaaqdiibaa sii wiiqmaysa. Bal kawarran xaalkeenna maanta?!

Wuxuu tilmaamayaa odhaah laga soo naqliyay saxaabigii waynaa ee Abuu Dar Al-Qafaari uu ku lahaa:

“كان الناس ورقا لاشوك فيه فصاروا اليوم شوك لا ورق فيه“Dadku waxay ahaayeen celeen bilaa qodaxa maantase waxay noqdeen qodaxa bilaa caleena.”  Xiligan uu saxaabigani hadalkan lahaa waa goor ay saxaabo badan iyo dadyaw badan oo wanaagsani noolaayeen. Wuxuu gabayo badan ku tilmaamayaa siday gobtii gabaabsi usii tahay, wuxuu leeyahay; way tageen ragii nasab ka ahaa ee lagu soo hiran jiray, wax walboo xumaato ahna ka digigixan jiray, way tageen kuwii goortay gacantaada wax soo galaan naruuro iyo farxad la muusoon jiray, kolkaad aadan waxsiinna  iyagu markooda wax kuu huri jiray’ 

Wuxuu tilmaamayaa sheeko cajiiba walaw aanay xaqiiqo maan-gala ahayn suu qoraaguba sheegayo, wuxuu leeyahay ninbaa Ibliis Ilaahay ha lacnadee arji u qortay, isaga  oo u sheegaya inuu arrin ka leeyahay la kulankiisana danaynayo, wuu qaabilay ninkii Ibliis ahaa ninkii, wuxuuna way diiyay maxaad u baahantahay een kaa caawiyaa? Wuxuu yidhi ninkii waxa jira Ibliisaw jaar wanaagsan oo aannu isku wacannahay, ninkaasi wuu noo roon yahay aniga iyo ehelkaygaba, waxaannu tabayno oo idilna wuu nasiiya, goortaan maqanahayna ehelkayguu iigu wehel yeelaa, goorta aan baahannahayna wuu na quudiya. Ibliis oo yaaban baa ku yidhi waa si wanaagsane maxaan kuu sameeyaa? Ninkii baa yidhi waxaan doonayaa inaad nimcada ka qaadid, caydh fara madhanna aad ka dhigtid. Ibliis markuu intaa maqlyay qaylyo kaga wadhay!! Wuxuuna isugu yeedhay cifriidyadiisii yaryaraa, markay u imaadeen bay waydiiyeen maxaa ku helay mudane? Wuxuu ugu war celiyay Cid iga shar badan oo Alle wayne abuuray miyaad garanaysaan?Waxay ugu war celiyeen maya Ibliisoow, arrinkaasi waa kugu keli, markaas ayuu ku yidhi habaar qabahan hortayda taagan baa iga shar badan. 

Wuxuu kaloo ka faalloonayaa waxyaabo badan oo uu Eygu kaga gobaysan yahay aadamaha qaarkiis. Isaga oo qoraagu arrinkaa inoo tilmaamaya wuxuu leeyahay laga yaabee Eygu in uu aabaha inankiisa uga fiicnaado! Ay sababtu tahay in badan waa la arkaa wiil waalidkii ku caasiyoobay laakiin lama arkin Ey cidii rabaysatay ku caasiyoobay! Wuxuu leeyahay mar kale hadh iyo habeen Eygu wuxuu u taagan yahay ilaaladeenna, adoo hurda, adoo soo jeeda, adoo maqan, adoo jooga intaba wuu ina ilaaliyaa, wuxuu kaloo uu sheegayaa in Eyga hadaad wax siiso iyo haddii aad u diiddaba kula joogayo,collaytan iyo hiifna aanuu lahayn,  ase aadamaha badankiisu kolka ay  dan kaa leeyihiin keliya uu kula joogayo, goorta dantaas uu dhamaystana garab kaaga ka baxayo. Wuxuu soo xiganayaa xadiis ah in Cumar Ibnu Khadaab arkay nin Ey wata uuna waydiiyay muxuu ahaa Eygan kula socdaa? Wuxuu yidhi ninkii Eyga watay, wax lala saaxiibo Eybaa ugu wanaagsan hadaad wax siisidna wuu ku mahadinayaa, hadaad u diidana wuu sabrayaa!  “يا أمير المؤمنين نعم الصاحب إن أعطيته شكر وإن منعته صبر ” Cumarna wuxuu ugu hal-celiyay wuu mudan yahay in lala saaxiibee ku dhaganaw. Intaa dabadeed wuxuu inoo sheegayaa odhaah Shacab laga hayay oo ahayd:  “خير خصلة في الكلب أنه لا ينافق في محبته” oo micnaheedu yahay, tilmaamta ugu wanaagsan ee Eygu leeyahay waa inaanuu galgacaylkiisa munaafiq ka ahayn. Halka aadane badan anuu arrinkaa ka run sheegin, oo ay qaar badanoo uusan jeclayn u muujiyo kalgacayl iyo muxibo aan jirin.

Lagama gayoon karo faa’idada iyo macnaha ku duugan kitaab yarahan, wuxuu kusoo qaadanayaa gabagabada buuga qisooyin la hal-maala Eyga iyo daacadnimadiisa, wuxuu leeyahay waxa la sheegaa in nin iyo Eygiis iyo laba nin oo midi walaalkii ahaa ay safar wada galeen, ninku xoola badan ayuu watay, goortay in cabaar ah jidka sii socdeen ayaa waxaa ku soo baxay niman shufto ah, ninkii bay qabteen xoolihiina ka xabaadheen, labadii nin ee walaalkii ku jiray way ka carareen kaliya waxa kusoo hadhay Eygii, ninkii laba dib-le intay u xidheeen bay meel god ah ku rideen, ciidna dhakada kaga rogeen, Eygii kamuu tagine halkii buu ciidii fadh-faadhay  isagoo noolna madaxii dibada ugu soo saaray, mar dambe ayay qolo jidka maraysay kusoo baxeen isagoo Eygii dul joogo  iyaga oo is leh bal eega Eygani meesha wuxuu ka fadhayo mise waaba qof meesha ku aasan oo madaxdiisii uun soo muuqdo, halkiibaa ninki laga soo saaray, oo uu meeshii ku badbaaday. Waagii dambe ninkii wuu ka warrami jiray isagoo leh wuxuun baan maqli jiray Eygu isagaa walaalka ka fiican marmarka qaar, balse anigu waaban arkay.

Wuxuu kaloo soo xiganayaa qiso ahayd in wakhti wakhiyada ka mid ah, nin boqori uu ugaadhsi aadistii u holladay , in cabbdaar ah markuu ugaadhsigiisii ku guda jirao ayuu is yiri sahaydaaddii aad wax ka cuntid, kolkuu isyidhi sidaa afka u gali ayaa Eygiisii iska hortaagay inuu cuno, boqorkii wuu yaabay markuu is idhaahdo afka galiba Eygaa kusoo booda, ileen wuxuuba arkayay yadoo mas uu waabaydiisii ku tufayo cuntada, boqorkuna arrinkaa wuu mooganaa oo ma uusan arkayn, kolkii  Eygii arkay inuusan boqorku daynayn cuntada, ayuu isagii cunay halkii ayayna naftii kaga baxday!!

Wuxuu kaloo ka warramayaa Ey dadkii lahaa ciidda hoos mareen, oo siduu xabaashooda u dul taagnaa naftii ka baxday, daacadnimo iyo oofin badni aawadeed. Ka gayoon maynu buuga ee waa 30 bog wax ku dhaw eh isha soo mari Idam Alle. Wuxuu kitaabku guud ahaan ka hadlayaa in tilmaamahaa san ee Eygu leeyahay aynu ka qaadano oo aynu nafteenna ku dabaqno, iyo sidoo kale in gobanimada iyo dun-wanaaga lagu dhaganaado goor walba iyo marxalad kastaba, lagana dido oo laga dheeraado gunnimada, qalbi xumaanta, iyo sidoo kale laba wajiilaynta iyo munaafiqnimada

Waxa jira in muuqaal Youtube ku jirayoo isla buugana,  kaas oo gorfayn heerkeedu sarreeyo ku sameeynayo Ustaad Xamse Xabiib.

W/Q: Cabdiraxmaan Xasan 

October, 2022

Share This Article