
Magan Shire waa afartanjir caafimaad qaba, dhaqaaleahaan deggan, niyadahaanna xasillan. Nolosha wuxuu la jiraa Ladan Mire oo ay 10 gu is qabaan. Waxay isu dhaleen laba ilmood; gabadh iyo wiil. Jacayl nagi iyo kalsooni buuxda ayay isu hayaan, ubadkana hufnaan bay ku koriyaan. Qoys ay jiritaankiisa ku faraxsan yihiin ayay hareeraha ka joogaan iyaga oo wadaaga dhibta iyo dheefta dirkaba.
Galabta, casar gaaban ayuu Buurta Sayidka dhaladeeda fuushan yahay. Waa kaligii. Waa galab cadceedeed. Magaalada ayuu guudka ka daawanayaa, dhanka kalena wuxuu ilikuwareertay u daymoonayaa bannaanka siman ee Nugaaleed iyo buuraha is ku gudban ee ka sii xaggeeya. Shaqada maskaxdiisu haysaa waa xusuusasho. Marba wax buu hibanayaa, haddana wax kale ayuu gocanayaa. Waxaa xiskiisa ku soo degdegay 27 sano hortood maalintii isaga oo kuray ah uu buurtan figteeda ka soo siibtay. Fasaxa khamiista iyo jimcaha ayuu u ga faaiidaysan jiray fuulitaanka buuraha dhaadheer ee Laascaanood ku gaadaman iyo dabbaasha Jabka Qoriga–xilliga roobka. Waa waayihii yaraanta ee aan miisaanka xilku garbihiisa culaysin. Maalintaasi galin hore ayay ahayd. Cirka daruuro geeddiya ayaa marayay, dhulkana dabayl fudud baa siigo ka kicinaysay. Isaga iyo saaxiibbadiis oo madadaalo aawadeed u fiirfiirinaya dusha sare ee buurta ayuu si lamafilaan ah dhagax isu la rogay, dabadeedna wuu siibtay. Isaga oo naf ka quustay, si heehaabad ahna meel dhexe u sii shalwanaya ayaa Ilaahay caymiyay. Wuxuu ku soo beegmay meel gol ah oo buurtu leedahay. Halkaas ayaa celisay. Jidhahaan waxba ma gaadhin laakiin nafahaan wuxuu dareemay in uu dhintay oo dib u soo noolaaday. Maalintaas uu sigtay ee nabad galay waxaa buurtan guudkeeda u xigtay maanta oo uu xusuusta dib u doojinayo. Waa muddo dheer!
Wuxuu soo garwaaqsaday waayihiisii wiilnimo. Ayaamihiisii labaatanjirka. Wakhtigii hammigu gubi jiray. Xilligii hanka iyo dantu kashiisa ku legdami jireen. Markii doonistiisu cirka joogtay, kartidiisuna dhulka jiiftay. Wuxuu u xiisay waxwadalahaanshihii dhallinyarada isaga oo la yaabban waxkalalahaanshaha waayeelka. Wuxuu la muunsooday sidii gacalku u tabantaabin jiray xilli uusan is bixin karin iyo sidii uu isaguna u huri jiray wax uusan ka maarmin. Wuxuu ahaa dhaqan dadnimo oo suubban. Hadda oo uu nin weyn yahay dareenkiisu wuxuu u dhaw yahay dhallinyarada, isaga oo hadba u fududeeya wixii uu ku dhaamo. Taasna waxaa u gu wacan waaya’aragnimadii uu soo maray iyo taladii saaxiibkiisii weynaa ee Ibraahin. Maalin uu u ga warramay sida uu u faramadhan yahay ayaa Ibraahin inta uu gob iyo caadkeed u maamuusay ku yidhi “waad ka gudbi doontaa xaalkan ee dadka kaa ga danbeeya ha illaawin!” Hadalkaasi wuxuu ku noqday birlab mar walba dareenkiisa dhanka da’yarta halgamaysa u jiidda.
Wuxuu u boholyoobayaa haasaawihii gayaanka iyo heesihii uu nolosha ku macnayn jiray labadaba. Wuxuu milicsanayaa kaalintii gayaanku noloshiisa ku lahaa. Haweenka wuxuu u arkay dheellitirkii nolosha. Jinsi la siman oo si walba u gu dhigma. Cayn uu garabkiisa ka eego ee uusan gadaal ka fiirin. Gacal nolosha u gu jira in ay isu ciidmaan ee aysan is ku colaadin. Gayaankiisa wuu u maydhan jiray, u fidhan jiray, u labbisan jiray, u xarragoon jiray, u qosli jiray, u dareenhadli jiray, una halgami jiray. Hilinka uu nolosha u maro ayuu ahaa. Gayaanku wuu kuu siman yahay ilaa aad eexda dookha ku dhacdo oo aad qof ka mid ah dadyaw badnaa oo ku sugayay is ku koobto. Calmashadu waa qof-isku-koobid. Haddiiba aad is tidhaahdo gayaankaaga mid ka dooro waa lamahuraan in aad eexanayso, taasna waxaad dareemi doontaa haddii qofkii aad xulatay kuu xilqarin waayo. Jacaylka gayaanku waa muraayad iftiin wacan oo laba qalbi is ka daawadaan. Iyaga ayaa is eegta, isu jihaysta, isu iftiima, isuna heesa oo nolosha is la jiibiya. Qalbigu hal qiblo iyo hal if ayuu leeyahay, halkaasna qof qudha ayuu ku qaadaa. Waayo qof meeli u caddahay; meeli ka madow. Iftiinka jacaylku wuxuu baxaa inta labada qalbi isu jeedaan.
Wuxuu soo garwaaqsanayaa maalmo jacaylku maankiisa lulay. Beri ay gashaanti reerood ka tuntay mingiskii caashaqa. Xilli samaa oo ay si walba u ladnaayeen. Wuxuu sawiranayaa tabtii dareenkoodu u wada jiray, sidii qalbiyadoodu isu nuurin jireen, sidii ay dhaayaha jacaylka isu gu dhawri jireen, sidii ay isu gu xeelfurraayeen iyo sidii ay dunida weyn gaarka isa ga ahaayeen. Wax la arko dhaayahooda ayaa u la qurux badnaa, wax la maqlo dhawaaqooda ayaa u la macaanaa, wax la weheshadana kulankooda ayaa u gu dugsoonaa. Iyaga ayaa is ku foognaa, waxayna moogaayeen wax walba oo kale. Soomaalida dhexdeeda xidhiidhka haasaawuhu waa kan kaliya ee oggolaansho u haysta in la isu dareenwarramo, waa xidhiidhka qudha ee waxa la qabo la gu wadaago, waana habdhaqan hiddaha ka idaad haysta. Xidhiidh walba oo kale qofku haddii uu dareenkiisa cabbiro waa liid nugul oo la gu maadsado. Qofka aad xidhiidhka u dooratay waa kuu dunida, nolosha, xorriyadda iyo macnahooda.
Haddii uu indhaha is ku qabto hummaaggeeda ayaa u hiri jiray. Haddii uu dayaxa eego way ka dhexmuuqan jirtay. Haddii uu hees dhagaysto iyada ayaa u kor saarrayd. Haddii uu nuuxsado magaceeda ayuu hadin jiray. Haddii uu nolosha suureeyo iyada ayaa ku lammaanayd. Haddii uu neecawda sanka u dhigana uduggeeda ayaa ka saxansaxi jiray. Taasi waxay ahayd quruxdii jacaylka iyo maalmihii kalsamaanta.
*
Sidii uu xusuus macaan u xulayay ayuu u gudbay dacar qadhaadh. Waa markii iftiinkii qalbigiisu madoobaaday! Oo maxaa ku helay? Dee gabadhii baa la tagtay ilayskeedii jacayl. Qalbigeedii baa jeestay, isna wuxuu ku warhelay “haye fudud” iyo mugdi saameeyay gabiahaantiis. Hadddii meeraha Dhulka qorraxmadoobaad iyo dayaxmadoobaad ku dhacaan xilliyada qaaarkood, qofkana waxaa ku dhaca qalbimadoobaad, waa marka iftiinka jacaylku ka guuro! Waxaa hal mar meesha waydaartay lammaankii iyo weheladii, wadajirkii iyo sidkanaantii, iyo iftiinkii iyo iskusoojeedkii. Ma uusan garaysan jeerkaas in qalbigii ka janjeedhsaday, iftiinkiina raacay ee wuxuu galay xaalad jaahwareer ah oo neef la gawracay geedo kama waabto ah. Qofka haddii uu qalbigiisu kaa jeesto waa uu kaa dheer yahay, haba kuu dhawaadee; haddii uu qalbigiisu ku la jirana waa uu kuu dhaw yahay, haba kaa dheeraadee; si walba oo aad u indhaqabtana haddii uu qalbigu ku madoobaado waxba ma arki doontid.
Gabballo ayaa u dumay oo waayo ayaa u beryay isaga oo ilmada dhabanka ka duugaya. Cidlada ayaa feenatay oo maqnaanshuhu wuxuu ku noqday irbad sun ah oo ku mudan. Magaaladii wada iftiinka ahayd ayaa mugdi u la muuqatay, waxa kaliya oo uu ka dhex arkaa waa xusuusaha jidadkii ay wada mari jireen iyo raadka meheradihii ay wada fadhiisan jireen. Guryihii ballanka iyaga u ma dhawaado oo waxa uu ka yaabaa in uu bannaanka ku miyirdoorsoomo, jeerkaasna la gu tuuro xarumaha calyada la is ku shaafiyo. Soojeedka ayay saaxiibeen. Waxa ku adkaaday ma aha xaqiiqada ogaalkeeda waa liqiddeeda! Waxaa wehel maguuraan ah u noqday heesaha halaanhalka oo midiba mid u dhiibto, habeennadan waxaa ku soo noqnoqonaysa luuqdii Lafoole oo soo loodsami waayaysa ilaa ay nasiibka gaadho:
“Hilow iyo caashaq waa halisoo
Qof baa qof hollada haddana ka hadhoo
Mid kale ku halmaama hawshii horee
Sidaan u ga helay hannaanqurux
Hubqaadkiyo haybaddeeduna
Had iyo goorba way horjoogtaa;
Hurdana wakhti ay habboon tahay iyo
Habeenba miyaan haleelaa!”
Qofku waxa uu beddel khayr qaba helaa marka uu qaddarka ku samro, haddii se uu wali goobayo wixii uu waayay, wixiina ma helo, wax kalena ma helo. Magan, saamayntii waayitaanku ku aafeeyay isaga oo la heedaddawsan ayuu gabdho badan oo kale u ololay; kuwo sidiisa iyana iftiinkii la ga la tagay. Wuxuu la mid ahaa hal neefkeedii wayday oo niriggii ololaba moodaysa in uu keedii yahay, marka ay hubisana ka gudbaysa. Sidaas oo kale ayuu isa ga tallaabay gayaan badan isaga oo raadinaya iftiinkii waayawaayo u bixi jiray. Xanuunkii cidlada daraaddeed, wuxuu hadi waayay in wadajirku beri soo bilawday, intaas kahorna qofahaantiisa uu jiray isaga oo madaxbannaan. In uu dadnimadiisii soo rogaalceliyo ayaa habboonayd isaga oo meel is ka dhigaya dareenkii koolkoolinta ee wehelku abuuray. Sida kaliya oo loo ga soo waaqsan karo xidhiidh burburay waa in nafta la gu celiyo kalinimadeedii. Waa in ay gooniyawdo oo ay haybteedii gaarka ahayd dib u soo hesho, waayo waa ay jirtay garabkan ku bannaanaaday hortiis. Calaacalku waa sida taaha, waxba ka ma uu taro nabarka ku haya, qofkii kaa tagayna in uu ku gu diro mooyee kuu ma soo maslaxo. Waxay ahayd in uu naftiisii ka soo helo halkii u gu danbaysay markii ay mataantiisa is ku soo lugdareen. Baydad qaraam ayaa ku taliya:
“Nafyahay orodoo arligi qabo oo
Halkaad ku ogayd ka soo eeg!”
*
Waxaa si kadis ah u gu soo degtay xusuus kale oo xumaan leh. Waa maalintii uu u dhabarjeediyay gabadh kale oo u heellanayd. Waa beri fog oo uu markaas qaangaadhay. Wiilnimo ayay wax badani ka ga tageen, sida dareenka loo xeeriyo adiga oo qofka diiddanna ma uusan aqoon. Hadyado wanaagsan ayay u keentay iyada oo jaamacad debadeed u gu baxaysay Suudaan. Madashii ay cawaysyada farxadeed ku qaadan jireen ayay isu gu yimaaddeen iyaga oo dareenahaan ka la maqan. Hoos buu u ga foororsanayay iyadana maankeeda wax baa ka guuxayay. Sidii bay ku dhooftay iyaga oo laabahoodu ka la jeedaan. Bilo kadib bixitaankeedii ayay farriimo muuqaaleed u ga soo dirtay Shaarica Niil, kuwaas oo la gu ladhay heestii ay Kinsi Xaaji ku qaadi jirtay:
“Sidaan dhoof u ga ga tagay
Wax ku dhigan kamaan helin
Warkiisii jacaylkii dhabta ahaa!”
Habeenkii quusta ee xidhiidhkii danbe ayuu labada sagootinood isu eegay, markaasna waxaa ku soo dhacayay codkii Tacabbir oo ka daadegaya meerisyadii dareensiinta:
“Horaad u mutaysatee
Ma hadduu nabsigii ku helay!”
Ma wax uu galay baa la ga goynayay mise gef aan geed loo gu soo gabban bay dabeecaddu ku samaynaysay? Kii ay ahaataba isagu dulmiga wuxuu u arkayay daahir yaa shamis. Isaga oo dhibbane ah buu danbiile isu rogay, isaga oo dulmidiid ahna dulmidoon buu noqday. Daalaadhac badan kadib saymihii haasaawaha wuxuu ka ga soo baxay baantii nafsadeed ee Cabdi Aadan Xaad dabeecadda u gu garaabay:
“Waxaad jeceshay la ma helo(naftaydaay)
Wax ku jecelna diiddaye;
Ha ku daalin jeedaal
Indho soo ma jiidaan
Qalbi kaa janjeedhee!”
*
Jacaylka gayaanku waa dookh. Waa nafqaybsi. Waa istaageersi garabnimo. Waa mar walba iyo meel walba. Waa daacadnimo xilli ama abid qof halbawlaha la gu sido. Waa dareenka oo la wadaago. Waa dhantaalkii jinsiga oo wehel la ga samaysto. Waa guul wacan iyo nolol wanaagsan. Haddii uu doonana waa hoog iyo halaag. Waa cudur iyo ciilkaanbi. Waa axdi lumay iyo filasho saqiirtay. Waa rajo mayd ah iyo soonoqonbawaa. Waa hibasho luran iyo hantaaqo goan. Waa qoomammo daran iyo nacayb danbe.
Wuxuu ka fakaray gabdhihii uu u ololay isaga oo indhool ah. Sidii uu u muhiyay iyo sidii uu u dhaafay ayaa ku noqotay masalo milgihiisa far ku godda oo had iyo jeer damiirkiisa suaal galisa. Ma isaga un baa danbi ku jira mise iyaba way la qabaan maadaama ay u baaqeen? Wuxuu xusuustay sheeko aabbihii oo gaban ahi sameeyey. Goor cawadaran ah isaga oo hal koor sidata raadinaya ayaa koortii mid u egi u dhawaaqday. Wuu ku orday, ku orday oo ku orday. Markii uu gaadhay mise waa hal baadi ah! Markaas ayuu koortii laba u ka la jabiyay isaga oo ka goosanaya luggooyadii ay soo gaadhsiisay. Xusuustan wuu isu gu caloolqubaynayay ee wuxuu is yidhi “hablihii ma raalligalisaa?” Oo sidee ayuu u raalligalin karaa? Afkee se ku la hadli karaa? Waxaa ku soo dhacday sheekomasaajideed caan ah. Wadaad baa xertiisa ku wacdiyay “ninkii naag nin kale qabo ka dhillaysta, lacnad baa samada ka ga socota ilaa uu ninkii naagta qabay u tago, kuna yidhaahdo: naagtaada ayaan u galmooday ee i cafi” halkaas markuu marinayay ayaa nin xertii ka mid ahi ku yidhi “shiikhow faan badanaa!” Oo uu u la jeeday: ninkee ayaa ku dhaca in uu nin kale ku yidhaahdo waxaas!
Wuxuu la yaabay sida ay noloshu inta badan u gu dhisan tahay isdiiddo iyo dulmi; sida qofka aad rabtaa uusan kuu rabin; sida qofka ku raba aadan u rabin; sida waxa aad doonto aadan u helin iyo sida ay duniduba u gu dhaqaaqdo dhanka aad u waddo lidkeeda! Wax badan buu sugay, wax badanna wuu seegay, si kasta oo ay tahay wixii dhacay ka ma xuma. Joogitaankiisu wuxuu u dhexeeyaa xusuus iyo saadaal. Xusuusta taariikh buu u tixgalinayaa ee u ma oggola in ay ka cawarto timaaddada. Haaheey, ladhku waa marka dareenka taban ee tagtadu ku gu kaco dabadeedna uu kaa gedmiyo taladii maalmaha ku gu soo fool leh, taasi waa basarxumo ka dhalatay kalasaariwaaga xusuusta iyo saadaasha. Hadda waxa uu nolosha la wadaagaa Ladan, qalbigiisuna iyada ayuu iftiimiyaa.
Cadceeddii intii aysan godka galin kahor waxay ku libidhay buuraha shishadooda, sidii Laascaanood caadada u ahayd, isaguna waddadii fardaha Daraawiishtu ka daadegi jireen ayuu galbeed u gu dhaadhacay, isaga oo la moodo in uu qorraxda wareegtay higsanayo. In yar markii uu socdayna waddada Xaawo-iyo-Aadan ayuu dhanka Waqooyi ee laamigu ka xigo u la jiifsaday.